QM oo wakhtiga u kordhisay Ciidamadda AMISOM

QM oo wakhtiga u kordhisay Ciidamadda AMISOM

Golaha amaanka ee Qaramada Midoobey ayaa muddo kordhin u sameeyay Howlgalka Midowga Afrika ee ka socda Soomaaliya.

Warbixin uu soo saaray Golaha ayaa lagu sheegay in 30-ka October ee soo socota tirada Ciidanka labesan ee AMISOM ka jooga Soomaaliya ay noqdaan 20,626 oo Askari,halka ay hadda ka yihiin 22,126 oo Askari.

Waxaa lagu sheegay in muddada dhimista Askarta Milatariga ah ay bar bar socoto ku beddelidda Askar Boolis ah oo gaaraya 1,040 Askari oo Booliska AMISOM ah.

Waxaana Booliska loo qeybin doonaan Shan Unug oo ah Boolis xirfadyahanno ah,kuwaas oo ka qeybqaadanaya dhismaha iyo tababarka Booliska Soomaaliya.

Qorshaha howlgalka AMISOM ee Soomaaliya ayaa lagu sheegay in uu yahay in 70% laga dhigo mid rayid ah,iyada oo la dhisayo Ciidan Soomaali ah oo gaaraya 10,900,kuwaas oo xaqiijinaya amniga dalka iyaga oo kaashanaya Booliska AMISOM.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    KKKKKKKKK.
    MA GOLE AMAAN BAA JIRA?!.
    WAA MAQAAYAD MARAYKAN U SHIDAN.
    AMISOM NA WAXAY SOMALIYA U JOOGTANA DANTA KUWA KU ADEEGTA WAXA LOOGU YEERO(Q/M AMA UN).
    DAN SOMALIYEED UMA JOOGTO MEESHA.
    OK.
    AMISOM IYADA & ALSHABAB & ISIS HAL MEEL BAA HUBKA & DHAQAALAHA LAGA WADA SIIYAA.
    AMISOM WAA ALSHABAB LA SHARCIGAREEYEY,
    AMISOM+ISIS+ALSHABAB+UNSOM+MICHEAL KAETING=ONE.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com