QM oo shaacisay tirada dadka ay abaarta ku saameeysay Soomaaliya

QM oo shaacisay tirada dadka ay abaarta ku saameeysay Soomaaliya

Xaaladda Soomaaliya ayaa ah mid aad u daran iyadoo 7.1 milyan oo qof, oo ay ku jiraan ugu yaraan 370,000 oo carruur ah ay abaaruhu saameen karaan ka hor dhammaadka sanadkan haddii aan la helin dadaal bani’aadamnimo oo ballaaran, ayuu yiri sarkaal ka tirsan Qaramada Midoobay.

“Haddii aanaan sare u qaadin oo aan wax ka qaban, nasiib darro, dad badan, oo ay ku jiraan ugu yaraan 370,000 oo carruur ah, ayaa baabi’i doona ka hor dhammaadka bisha June. Taasi waxay kuu sheegaysaa sida xaaladdu u daran tahay,” Isku-duwaha Hawlaha Bani’aadamnimada ee Soomaaliya Adam Abdelmoula, ayaa ka sheegay Baydhabo oo ka mid ah meelaha ugu daran oo ay dhibaatada abaarta kajurto.

Ilaa 6.1 milyan oo Soomaali ah ayay saamaysay xaaladda degdegga ah ee abaarta tan iyo bishii May, sida lagu sheegay warbixin ay dhawaan soo saartay xafiiska isku xirka arrimaha bini’aadantinimada ee OCHA.

Ilaa 771,400 oo qof ayaa ku barakacay, kuwaas oo raadinaya biyo, cunto iyo daaq, iyadoo dadka u badan ay yihiin haween iyo carruur.

“Arrintaan ayaa uga sii dartay iyadoo ay ugu wacan tahay rajada laga qabo xilli-roobaadka shanaad oo xiriir ah,” ayay tiri Qaramada Midoobay.

Tan iyo bilowgii sanadkan, 30,000 oo qof ayaa ka barakacay deegaannada Koonfur Galbeed, kuwaas oo si ba’an ay u saameysay abaarta.

Tan iyo bishii Maarso, kiisaska cudurka shuban biyoodka ayaa sii kordhayay, iyadoo wadarta guud ee xaaladaha shuban biyoodka ay gaarayaan 2,279, oo ay ku jiraan 11 dhimasho ah, la soo sheegay tan iyo bishii Jannaayo ee sanadkan, sida ay sheegtay Qaramada Midoobay.

Diwaanka wararka
Radio Daljir

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com