QM oo shaacisay dhaqaalihii ay ku bixisay fatahaadihii ka dhacay Somalia

HomeWararka

QM oo shaacisay dhaqaalihii ay ku bixisay fatahaadihii ka dhacay Somalia

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 18.7 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ay ku bixiyeen wax ka qabashada fatahaadaha iyo daadadka dhowaan ku dhuftay

Madasha Xisbiyada oo sheegay in DFS ku fashilantay doorasho qof iyo cod ah inay qabato
Taliyaha Cashuuraha gobalka Karkaar oo digniin Culus soo saaray
Rehabilitation work for Garoowe General Hospital delayed due to COVID and not corruption

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 18.7 Milyan oo Doollarka Mareykanka ah ay ku bixiyeen wax ka qabashada fatahaadaha iyo daadadka dhowaan ku dhuftay qeybo ka mid ah Soomaaliya.

War ka soo baxay Xafiiska QM ee Muqdisha ayaa lagu sheegay in dhaqaalahani kor loogu qaadayo howlaha gargaar fidinta iyo badbaadinta nolosha in ka badan nus Malyuun Qof oo ay saameeyeen fatahaadaha ka dhacay Soomaaliya.

Adam Abdelmoula, oo ah isku-duwaha arrimaha Bini’aadminnimada ee Soomaaliya, ayaa sheegay in lacagaha laga helay Sanduuqa wax qabadka deg-degga Qaramada Midoobay ee (CERF) iyo Sanduuqa Bani’aadamnimada Soomaaliya ee (SHF) ay Gacan ka geysan doonaan yareynta waxyeellada daadadka iyo fatahaadaha soo noqnoqda.

Isku-duwaha ayaa intaa ku daray in dhaqaalahani uu ku beegmay xilligii loo baahnaa, si loo caawiyo Dadka sida aadka ah u nugul ee ay daadadka iyo fatahaaduhu saameeyeen, kuwaas oo u baahan Hooy, Biyo nadiif ah, Cunto iyo gar-gaar caafimaad.
Diiwaanka wararka.
Radio Daljir.

COMMENTS

WORDPRESS: 1
  • NuurkaNederland 4 years ago

    WAA HUUHAADOODII!!!!!!.
    WAR HAFARKA NAGA DAAYA…
    WAXBA KAMA JIRAAN..
    INTAAN KA OGAHAY WAXAY BIXIYEEN HELOKABTARO DADKA LAGU BADBAADINAYEY LABADII BERI OO UGU HOREYSAY….WAX KALANA MA MAQAL=MA JIRAAN.
    HAY’ADAHA U.N.ka WAXAAN ARKAA IN JEEBKOODA AY KU DHACDAY DHAQAALAHAAS AY SHEEGAYAAN SHACABKA SOMALIYEEDNA AY HAFRAYAAN SIDAY HOREBA U HAFRI JIREEN..
    HAY’ADAHA U.N.ka. WaxAAA ISKU DHAAMA OO 100% KA GURMAD FIICAN (MAMA ASHA FOUNDATION).,TURKIGA,QATAR & DJIBOUTI…THANK YOU for ALL.
    $18.7MLYN MA HAYNO SOMALINA MA HAYSO MEEL U.N.tu KU BIXISAY LKN WAXAANU ARAGNAA IN JEEBKOODA AY U GASHAY DABADEEDNA SOMALIA LAGU KAARTO BAXAYO!!!.

DISQUS: