QM Oo Meleteriga KDF ku eedeysay dhoofinta dhuxusha Soomaaliya iyo Kenya oo jawaab ka bixisay

Nairobi, July 15- 2013 – Guddiga dabagalka iyo la socodka xayiraada dhoofinta dhuxusha ee saaran Soomaaliya ayaa soo saaray war-bixin ay kaga hadlayaan dhuxusha Jubbada Hoose, war-bixintaas ayaa ah mid si hoose loo helay balse aan si rasmi ah loo shaacin.

Qoraal la helay oo ay soo saareen guddigaasi la socodka xayiraada saaran Soomaaliya iyo Ereteria ayaa lagu sheegay ?in Dowlada Kenya ay ku xad-gudubtay xayiraadii saarnayd dhoofinta dhuxusha ee Jubbada Hoose, taasi oo la joojiyey sanadkii hore.

War-bixinta guddiga Qaramada Midoobey waxaa lagu sheegay in magaalada xeebta ah ee Kismaayo laga dhoofiyo dhuxul fara badan oo si sharci daro ah loo qaado, waxaana arintaasi lagu sheegay in ay tahay xad-gudub ay ku dhaqaaqeen ciidamada Kenya ee Jubbada Hoose iyo madaxda maamulka Jubbaland.

Eedeynta Qaramada Midoobey ay u jeedisay Jubbaland iyo Kenya ee la xiriirta dhuxusha Jubbada Hoose, waxaa ka jawaabtay Dowlada Kenya sida ku cad war-bixinta la helay, Col. Simon karanja oo ah sarkaalka ugu sareeya ciidanka Kenya ee Jubbooyinka ayaa cadeeyay in aysan jirin wax dhuxul ah oo Kismaayo ?laga dhoofiyo waxa uuna sheegay in warkaa uu yahay mid xaqiiqda ka fog.

Dowlada Kenya ayaa dalbatay in la fasaxo dhoofinta dhuxusha deeganada Jubbada Hoose, markii bishii September ee sanadkii hore Kismaayo laga saaray kooxda Al-shabaab, balse Qaramada Midoobey ayaa sheegay in aysan suurtagal ahayn in la fasaxo dhoofinta dhuxusha oo la sheegay in ay il dhaqaale u ahayd al-shabaab.

War-bixinta guddiga dabagalka Qaramada Midoobey ilaa hadda lama shaacin, mana jirto cid si rasmi ah uga hadashay oo ka tirsan Dowlada Soomaaliya, waxaase ay imanaysaa xili bilihii tegey ay dagaalo u dhexeeya dhinacyo is diidan uu ka dhacay magaalada Kismaayo ee Gobolka Jubbada Hoose oo ah saldhiga ugu weyn ee meleteriga Kenya ee AMISOM ay joogaan.

Diiwaanka Wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com