QM oo ka shiraysa sababtii Soomaaliya  looga soo ceyriyay  Nicholas Haysom

HomeWararka

QM oo ka shiraysa sababtii Soomaaliya looga soo ceyriyay Nicholas Haysom

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta ka doodaya sababihii keenay in dalka Soomalaiya laga ceyriyo Wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliy

Farmaajo: Ciidamadu waxay isaga amar qaadan qof lagu dalacsiiyay caddaalad darro (dhegayso)
Maqaal: Xaqiiqda Qofka Madaxda ah ee Somaliyeed ee Maanta
Khudbadda Musharax Madaxweyne Cabdi Weli Cali Gaas

Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey ayaa maanta ka doodaya sababihii keenay in dalka Soomalaiya laga ceyriyo Wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom iyo xaalada Soomalaiya .

Shirka ayaa waxaa qudbad ka jeedin doonay Nicholas Haysom ,waxaana lafilayaa in qudbadiisa uu diirada ku saaro wax yaabihii ay dowladda Soomaaliya  isku qabteen , sida xaalada  Amnaaka  iyo arimaha xuquuqul insaanka .

Talaadadii  la soo dhaafay ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay sheegtay in shaqadii ka jojisay  Wakiilkii Qaramada Midoobey ee Soomaaliya Nicholas Haysom , kadib markii uu ku xad gudbay madaxbanaanida dalka Soomalaiya .

Haysom ayaa dhankiisa qoraal uu so saaray waxa uu  kaga codsaday dowladda uu hogaamiyo Madaxweyne  Farmaajo in ay warbixin ka siiso tacadiyadii ka dhacay magaalada Baydhabo intii ay soctay doorashada mamaulkaasi Koonfur Galbeed .

Warar hoose oo ay helayso idaacada Daljir ayaa sheegaya in  go,aankii ay qadatay dowladda Soomaaliya   uu yahay kii ugu dambeeyay .

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: