QM oo ka hadashay Dhacdooyinki Muqdisho kadhacay

QM oo ka hadashay Dhacdooyinki Muqdisho kadhacay

War saxaafadeed kasoo baxay golaha ammaanka ee Qaramada midoobay ayaa si weyn loogu bogaadiyay jawaabtii ay ka bixiyeen ciidamada kala duwan ee Dowladda Federaalka Soomaaliya weerarkii bahalnimada ahaa ee ay 23-kii Bishan ay Kooxaha nabad diidka ah ka geysteen Magaalada Muqdisho.

Goluhu waxuu ammaanay sida deg deg ah ee Ciidamada Ammaanka Soomaaliya ay ugu hortgeen weeraradaasi, iyadoona la bogaadiyey naftood hurayaashii ka tirsanaa Ciidanka Xoogga ee ku geeriyooday weerarkan iyaga oo cududda u dhigtay sidii aysan cadowga Alshabaab fursad ugu helin in ay gumaadaan shacabkii ku sugnaa goobihii ay weerarada ku qaadeen.

Bayaankan ayuu goluhu ku muujiyay sida ay ula damqanayaan Ehelada dhibbanayaasha Dadkii halkaasi ku waxyeelloobay , iyagoo ugu tacsiyeeyay Qoysaskii ay ka baxeen iyo guud ahaanba Shacabka iyo Dowladda Soomaaliyeed, waxanay u rajeeyeen inuu Alle bogsiiyo Dadka weli dhibban.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ku celceliyay in fal kasta oo argagixisanimo uu yahay mid aan loo dulqaadan karin, loona eegin cidda ay yihiin, markasta iyo meel kastana aanan looga harayn,iyadoo la faray inay ka qayb qaataan Dowladaha ay qusayso la dagaallanka argagixisada.

Golaha ammaanka ayaa ugu dambaynti ballan qaaday inay kordhin doonaan kaalinta ay ku leeyihiin arrimaha Soomaliya, gaar ahaa adkaynta nabadda iyo la dagaallanka argagaixisada iyo sidoo kale dardar gelinta howlaha horumarinta Dalka Soomaaliya.

Xubnaha Golaha Ammaanka ayaa ammaan u jeediyay Dowladda Soomaaliya iyo Xubnaha Beesha caalamka ee ka shaqeynaya inay nabad iyo xasillooni ku soo dabbaalaan Soomaaliya,

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com