QM oo ka hadashay 24 Milyan oo qof oo qarka u saran Cuno la’aan inay u geeriyoodan

David Beasley oo ah Madaxa fulinta Hay’adda Cunna Aduunka ee WFP loosoo gaabiyo ayaa sheegay in Xasaradaha ka jira dalalka Somalia, Yemen, Koofurta Sudan iyo Waqooyi Galbeed Nigeria Xasaradaha ka jira ay sababi karaan Gaajo ay u geeriyoodaan dadka halkaa kunool.

Waax ahaan waxa uu sheegay in Dagaalo soo jiitamayay ay ka jiraan dalalkaasi, sanadadii lasoo dhaafayna ay ahaayeen gurmad sugayaal, hadii colaadda ay sii socotana waxa uu sheegay in ay suurta gal tahay in ay Cunno la’aan awgii ay u geeriyoodaan.

Colaadda ayuu tibaaxay in ay ugu darsoontay abaar ku dhufatay Deegaanada ay kunool yihiin, 60% waxa uu sheegay in dadkaasi ay yihiin kuwo aanan helin gargaar cunno, isla markaana aanan garaneyn halka ay ka helayaan.

Qaramada Midoobe waxa uu ka dalbaday in ay u istaagto sidii dhinacyada ku lugta leh Xasaradahaasi ay ku qancin laheyd in loo gurmado dadka gargaarka u baahan.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com