QM oo diiday in Al-Shabaab lagu daro argagixisada Liiska caalamiga

QM oo diiday in Al-Shabaab lagu daro argagixisada Liiska caalamiga

Golaha ammaanka ayaa si wadajir ah diidmo rasmi ah ugu codeeyey qaraarka tirsigiisu yahay 1267 ee la doonayey in Al-Shabaab ka dagaallama Soomaaliya lagu daro argagixisada Liiska caalamiga.

Dowladda Soonaaliya ayaa horay ugu sheegtay Sababta Qaraarkan ay uga hortimid ay tahay haddii Al-Shabaab lagu daro Argagixisada Caalamiga in dhibaatooyin bani’aadanimo oo ka dhalata duqeymaha sameeyaan Xulafada Caalamiga ah ee Argagixiso la dirirka

Abuukar Daahir Cusmaan Baalle Danjiraha Dowladda federalka Soomaaliya u fadhiya Qaramada Midoobey ayaa olole ballaaran oo looga soo horjeedo qaraarkaasi maalmihii u dambeeyay ka waday New York.

Waxaa uu sheegay in Ugu dambeyntii lagu guuleystay in la diido in Alshabaab laga dhigo Argagixiso Caalami ah oo ay soo jeediyeen markii hore dowladdaha Kenya iyo UK.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com