QM iyo AU oo ka arrinsaday in laga wada shaqeeyo inta badan xasiloonida dalalka qaarada Afrika

Adis Ababa, October 10, 2013 – Qaramada midoobey iyo midowga Afrika ayaa ka sheekaystay xaalada dalalka ay dhibaatooyinku ka aloosan yihiin ee qaarada Afrika, xili Ethopia ay balan-qaaday in aysan ka gaabin doonin howl-gallada nabada lagu soo celinayo.

Gudoomiyaha midowga Afrika ahna ra?isal wasaaraha Ethopia Hailemariam Desalegn oo saxaafada uga waramay kulanka uu la qaatay saraakiisha ka tirsan Qaramada midoobey ee Adis booqday, ayuu ku sheegay in ay diirada ku saareen iskaashiga gollaha amaanka iyo midowga Afrika ee xasiloonida qaarada.

Waxaa uu sheegay Desalegn in ay Ethopia balanqaaday in aysan ka gaabin doonin qorshayaasha lagu sugayo amniga qaarada Afrika gaar ahaan dalalka gobolka barriga Afrika , kuwaas oo ay xilligan ka socdaan howgalo lagu raadinayo xasilooni buuxda.

Ra?isal wasaaraha ayaa xusay in diirada la saari doono xasiloonida qaarada Afrika oo idil, iyadoo si gaar ah loo eegayo xaalada dalka Soomaaliya ee wakhtigan iyo la dagaalanka ururka Al-shabaab oo halis ku ah amniga gobolka.

Wargayska Sudan Tribune waxaa uu xusay in aad looga arrinsaday xaalada dalalka Koonfurta Suudaan, jamhuuriyada Afrikada dhexe, Suudaan iyo Soomaaliya, weliba waxaa aad diirada loo saaray xaalada Soomaaliya oo ay joogaan ururka Al-shabaab.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com