QM: ” ​​10 milyan oo ku sugan Yemen ayaa ku jira xaalad halis ah”

Qaramada Midoobay ayaa ka digtay in ku dhawaad ​​10 milyan oo reer Yaman ah ay la soo daristo cunno yaraan ba’an.

Qaramada Midoobey ayaa carrabka ku adkeeysay in loo baahan yahay in tallaabo deg deg ah la qaado si looga hortago macaluul halkaas ka jirta.

Warbixin ay soo saartay Jimcihii, Barnaamijka Cunnada Adduunka ee Qaramada Midoobay (WFP) ayaa lagu sheegay in si deg deg ah loogu baahan yahay $ 737 milyan si loo soo afjaro sannadkaan Cuno yarida iyo dagaallada Sokeeye

“Waa inaan tallaabo qaadnaa hadda. Haddii aan sugno in lagu dhawaaqo macluul, durba way soo daahi doontaa maadaama dadku durba dhiman doonaan, ”ayaa lagu yiri bayaanka Qaramada Midoobey.

“Yemen waxaa wajaheysa dhibaatooyin dhinacyo badan taabanaya. Soo dejinta ayaa hoos u dhacday, qiimaha cunnada ayaa kor u kacaya, dhaqaallaha ayaa hoos u dhacday, kaydka lacagta qalaadna waxay ku dhowdahay inay dhammaato, ”ayuu lagu sii xusay warbixinta.

Diwaanka wararka
Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com