Qaxootiga ka soo barakacay Yemen oo Raashin loo Qaybiyay

Jimco, Luuliyo 10, 2015 (Daljir) — Hay’ada Zamzam Foundation oo ka howlgasha Geeska Afrika ayaa ka qayb-qadanaysa gargaarka loo fidiyay Qoxootigii kasoo Cararaya colaadaha ka socda Waddanka Yeman.

Hay’addu waxay kaalmooyinkan gaariisay Qaxootiga Yemen  ee ku sugan, magaalooyinka Boosaaso iyo Qardho ee Puntland iyo magaalada Hargeysa ee Xarunta Somaliland.

Qoxootiga ku kala Sugan Magaalooyinka Boosaaso iyo Hargeysa ayaa 1000-qof oo ka mid ah waxaa la gaarsiiyay Rashin ka kooban Bur, Bariis, Sokor, Saliid iyo Caana Boore.

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com