Qaxooti Soomaali ah oo ku xirnaa dalka Yeman oo dib loogu soceliyey Soomaaliya

Qaxooti Soomaali ah oo ku xirnaa dalka Yeman oo dib loogu soceliyey Soomaaliya

Afhayeenka Hay’adda Qaramada Midoobey ugu qaabilsan Arrimaha Qaxootiga ee UNHCR, Bakar Balooj ayaa sheegay in ku-dhawaad 4,300 qaxooti Soomaali ah oo ku xayirnaa gudaha dalka Yemen dib loogu soo celiyey dalkooda hooyo ee Somalia.

Waxa uu sheegat in soo-laabashadooda uu qeyb ka yahay Barnaamijka ay si wadajir ah isaga kaashanayaan Hay’adda UNHCR, Hay’addaha kale ee la shaqeeya iyo Dowladdaha Yemen iyo Somalia.

Afhayeenka UNHCR waxa kale oo uu tilmaamay in Qaxootiga Soomaalida ee isbuucan dib ugu so olaabtay dalkooda hooyo ay ku jiraan ilmo Soomaali ah oo ku dhashay Yemen iyo kuwii horey ugu qaxay Yemen, kuwaasi oo rajeynayey inay ka baxsadaan Colaadaha iyo Ammaan-darrida.

Afhayeenka waxa uu sheegay in UNHCR iyo Hay’adda Caalamiga ee Muhaajiriinta ee IOM ka wada shaqeynayaan sidii Qaxootiga Soomaalida looga taageerilahaa inay dooni dib ugu laabtaan Somalia, iyadoo 125 Muhaajiriin Soomaali ah Khamiistii hore dib ugu laabteen magaalladda Hargeysa.

Waxaa lagu qiyaasaa inay 250,000 oo Qaxooti Soomaali ah ku nool yihiin gudaha dalka Yemen, taasi oo 90% ka dhigaysa tirada Guud ee Muhaajiriinta iyo Qaxootiga ku sugan dalkaasi.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com