Qaxooti ka badan 3,000 oo Bosaaso soo Gaaray

Jimco, Luuliyo 03, 2015 (Daljir) —Markabkan oo siday qaxooti tiro ahaan gaaraya 3,500 oo qof ayaa shalay galinkii danbe soo gaaray magaalada Bosaaso ee xarunta gobolka Bari ,waxaana uu ka soo shiraacday markabkan dekadda magaalada Mukalla ee dalka Yemen.

Qaxootigan oo u badnaa dumar iyo caruur ayaa ka soo cararay colaadaha iska soo horjeeda ee ka jira dalkaas ,waxaana dadka la socday markabkan ku jiray dad xanuunsanaya ,iyadoo sida la sheegay markab dushiisa ay ku dhex umaleen dhowr haween ah.

Maamulka gobolka Bari, kan degmada Bosaaso iyo mas’uuliyiin ka tirsan hay’adaha Qaramada Midoobay ee ka howl-gala Puntland ayaa dadkan qaxootiga ah ku soo dhaweeyay dekedda magaalada Bosaaso.

Wasiir ku xigeenka arimaha gudaha Puntland Cabdulaahi Xaashi oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in maamulkooda uu gacan u fidinayo cid kasta oo Soomaali ah oo ka soo qaxda colaadaaha sii kordhaya ee Yemen,

“Dhamaan dadka halkaan soo gaaray waxaan ka caawin doonnaa waxyaabaha ay u baahan-yihiin ,hadda waxaa loo diyaariyay goobihii la dajin lahaa “ ayuu yiri wasiirka ku xigeenka oo sidoo kale madax ka ah guddiga caawinta qaxootiga Yemen.

“Qaar kamid ah dadkii saarnaa markabka waxa ay qabeen dhaawacyo kala duwan oo ka soo gaaray dagaalladii ka dhacay halkii ay ka yimaadeen “ ayuu mar kale yiri wasiir ku xigeenka oo tilmaamay in hadda xaaladooda caafimaad lala tacaalayo.

Ugu dambeyn, Qaar kamid ah qaxootiga soo gaaray Bosaaso oo iyagana la hadlay warbaahinta ayaa dalbaday in Puntland ay dib ugu celiso guryahoodi oo ku yaala Muqdisho,waxana imaanshahooda halkan uu ku soo beegamayaa ,iyadoo lagu jiro xiligii kulaylaha.

 

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com