Qareenada Soomaaliya iyo Kenya oo bilaabay jeedinta dacwadohooda Muranka badda.

Hague, Sep 19 2016-Magaalada Hague ee dalka Holland ayaa waxaa maanta ka bilaabatay dhegeysiga dacwadda muranka badda ee u dhexaysa dalalka Soomaaliya iyo Kenya, oo ahayd mid mudooyinkii ugu dambeeyey sooojiitamaysay.

Muuqaallo laga soo qaaday Maxkamada ICJ  ayaa muujinaya Qaar ka mid ah Qareenada Soomaaliya iyo sidoo kale Kenya u kala doodaya oo jeedinaya khudbado kala duwan iyo sidoo kale Ma’suuliyiin ka kala  tirsan dowladaha Soomaaliya iyo  Kenya oo goobta ka hadlaaya.

Maxkamada ayaa socon doonta 2 Maalmood oo labada dal ay soo jeedinaya dacwadaha badda ee ay isku haystaan, waxaana Soomaaliya ay sheegtay in dowladda Soomaaliya aysan aqbali doonin in hal taako oo ka mid ah badda Soomaaliya ay qaadato dowladda Kenya.

Dowladda Soomaaliya ayaa dooneysa in xaga sharciga ay ku kala baxaan dhigeeda Kenya oo iyana dooneysa in wada xaajood lagu dhameeyo khilaafka dhinaca badda ee ka dhaxeeya labada Dal.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com