Qardho: Dhalinyarada oo muujiyay kaalintooda bulsho (sawiro & dhegayso)

Dhalinyarada waxaa lagu tilmaamaa kaydka dal walba oo dunida ka mid ah, waxaana mustaqbalka dal walba uu ku xiranyahay hadba sida ay yihiin dhalintiisa maanta.

Dalka Soomaaliya dhalinyaradu waa kuwa ay haysato darruufo kale duwan oo ay ka mid yihiin waxbarasho la’aan, halista tahriibka, shaqo la’aan iyo kooxaha xagjirka iyo siyaasadda oo afkaar guracan iyo siyaabo kale uga faa’iidaysta si’ay naftooda iyo tan dadkooda u baabi’iyaan, laakiin si ka duwan xaalkaasi waxaa muddooyinkan dambe soo badanayay dhalinyaro dareemay inay yihiin kuwa hormuud u noqon kara bulshada, mudana in lagu daydo, waa kuwa isu xilsaaray masuuliyado ay ka seexdeen maamulada degmooyinka iyo dowladda kuwaasi oo u dhaartay wax ka qabashada arimaha bulshada ee jidadka iyo caafimaadku ka mid yahay.

Magaalooyinka Bosaso, Garoowe, Gaalkacyo, Carmo iyo Qardho waxaa ka socda ololle kala gooni ah oo dhalintu ku muujinayaan sida ay uga go’antahay inay horumariyaan dadkooda iyo dalkooda, waxaa ay waddooyinka ay ku wadaan hagaajin meelaha burbursan iyo calaamadayn si gaadiidka iyo shacabku ay u isticmaalaan.

Hadaba wariyaha Daljir ee Qardho Maxamuud Fantastic ayaa la kulmay Maxamuud Firdhiye oo ka mid ah dhalinyaro magaalada Qardho ka wada howlaha horumarinta, waxaana uu ka waraystay waxa ku dhaliyay fakerkan iyo shaqooyinkooda.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com