Qaraxyo ruxay caasimadda Suuriya ee Dimishiq

Dimishiq, May 10 -Wararka laga helayo dalkaasi Suuriya ayaa sheegaya in Laba qarax oo aad u xoogan ay gilgileen magaalada Dimishiq ee xarunta dalka Suuriya.

Qiiq madow ayaa cirka isku shareeray qaybo ka mdi ah magaalada Dimishiq, sida ay ku soo waramayaan dad goob-joogayaal ah oo ku sugan magaalada Dimishiq.

Qaraxan ka dhacay magaalada Dimishiq ayaa sababay dhimasho iyo dhaawac badan.

Magaalada Dimishiq ayaa bartilmaameed u ahayd weeraro qaraxyo ah oo isasoo tarayey, waxana qaraxii ugu dambeeyey oo magaaladaasi ka dhacay bishii hore , islamarkaaasina lala eegtay meel u dhow masjid lasoo weriyey inay ku dhinteen 11 ruux.

Qasaaraha rasmiga ah ee ka dhashay weerarada qaraxyada ah ee gilgilay magaalada Dimishiq ee xarunta dalkaasi Suuriya ayaan weli si dhamaystiran loo shaacin,iyadoo ay suuragaltahay in qasaaruhu uu sii siyaado.

Dhinaca kale, ciidamada dowladda Suuriya ayaa duqayn ba?an ku hayay magaalada ximsi ee dalkaasi suuriya tan iyo xalay , iyadoo magaaladaasi oo ku taalla dhinaca waqooyi ee dalkaasi ay xudun u ahayd kacdoonka dadweyne ee Suuriya.

Mucaaradka Suuriya ayaa duqaynta magaalada Ximsi ku sifeeyey tii ugu xumayd ee muddo asbuucyo ah ay ciidamada dowladda suuriya ka geystaan magaaladaasi.

Ilaa 11 xubnood oo ka mid ah kormeerayaasha qaramada midoobey ayaa immika ku sugan magaalada Ximsi si’ay u dhaqangeliyaan xabad-joojinta aan lugaha adag ku taagnayn.

Abdirashid Musse
Radio Daljir
Bosaso.

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com