Qaraxyo khasaare geeystay oo Muqdisho kadhacay

Qaraxyo khasaare geeystay oo Muqdisho kadhacay

Faahfaahino dheeraad ah ayaa ka soo baxeysa Qarax xoogan oo goordhow ka dhacay Inta udhexeysa Isgoyska Banaadir iyo Daarta Sey Piano ee Magaalada Muqdisho.

Gaari laga soo buuxiyay walxaha Qarxa ayaa ku qarxay Goob gaadiidka ay ku baaraan Ciidanka Nabad Sugida Somaliya, Qaraxa ka hor waxaa la maqlay rasaas ay isweydaarsanayeen Ciidankii ilaalada ku sugnaa iyo ragii watay Gaariga Qarxay.

Saraakiil ka tirsan laamaha amaanka Dowladda ayaa inoo xaqiijiyay in Ciidamada NISA ay is hortaag ku sameeyeen inuu barta Kontorool soo dhaafo gaariga Qarxay iyo ragii watayba, Ciidamada ayaa udiiday raga iney Magaalada Gudaha usoo galaan.

Goob joogayaal ayaa inoo sheegay iney meesha ku dhinteen 5 Qof oo laba kamid ah ay yihiin Ciidanka NISA, Halka sadexda kalena ay yihiin ragii Gaariga Qarxay watay.

Sidoo kale waxaa jirta dhaawacyo soo gaaray shacab marayay goobta Qaraxa uu ka dhacay kuwaasoo ka agdhawaa meesha, Waxaana durbadiiba goobaha Caafimaad ula cararay Gawaarida Gurmadka degdega ee Ambalaasta.

Qaraxan ka hor, Waxaa jirtay Qarax kale oo isna ka dhacay wadada aada Garoonka Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho, Waxaa Kontoroolka laga galo Garoonka ee ku dhaw isgoyska KM4 isku qarxiyay Gaari NOAH ahaa oo doonayay inuu xoog wadada ku maro, 3 Askari ayaa la xaqiijiyay iney ku dhaawacantay iyadoo dhimashada ay ku koobantahay ragii gaariga Qarxay watay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Nuurkanederland 6 years ago

    INAA LILLAAHI WA INAA ILEYHI RAAJICUUN!.
    MASUULIYADAAS WAXAA QAADAYA USA & UK OO NOO LABAWAJIILAYNAYA
    WAJI ALSHABAB &
    WAJI BEEL CAALAM.
    WAXA KALOO QAADAY GUUMEYSTE (MICHEAL KAETING)
    ALSHABAB+XALANE+AMISOM+UNSOM=ONE.
    ALL MOVE

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com