Qaraxyo ka dhacay dalka Ciraaq oo dad badan ku geeriyoodeen.

Baqdaad.May 28,Ku dhawaad 66 ruux ayaa ku dhimatay qaraxyo aad looga naxo oo gaadiid loo adeegsaday oo lala eegtay deegaano ay ku badan yihiin dadka shiicada dalka Ciraaq gaar ahaan magaalada baqdaad iyo deegaanno ku dhaw.
?
Inka badan dadka dhintay ayaa la sheegay inay dhaawacmeen kadib markii daraasiin qaraxyo ah ay ka dhaceen dukaamo mashquul ahaa iyo suuq weyn oo ku yaal magaalada Baqdaad ee caasimada Ciraaq.
?
Weerarada ugu waxyeelada badan ayaa waxay ka dhaceen xaafadaha kala ah New Baqdaad, Sabical-buur, Shaab, Xuriyah, Bayca, Sadriya, Diyala, Balidiyah iyo deegaano kale oo 20 km koofur kaga began magaalada.
?
Qaraxyada ayaa waxaa dadka ku dhintay ku jira ilmo yar oo afar sano jir ahaa, waxaana qaraxyada lagu tilmaamayaa inay yihiin kuwo soo celinaya dhibaatooyinka dalkaasi uu soo maray sanadihii 2006 ilaa 2007
?
Ma jirto koox sheegatay inay ka dambeysay weerada, laakiin kooxaha Suniyiinta oo lala xiriiriyo Al-qaacida ayaa horay waxay u geysteen weeraro lasoo abaabulay oo ay la eeganayeen Muslimiinta Shiicada.
?
Sanadkii lasoo dhaafay waxii ka dambeeyay waxaa sii kordhayay xiisada u dhaxeysa shiicada ku tirada badan dalkaasi oo dowladana hogaamiya iyo Suniyiinta laga tirada badan yahay.
?

?

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com