Qaraxyo been abuur ah oo xalay laga maqlay Muqdisho

Qaraxyo been abuur ah oo xalay laga maqlay Muqdisho

Wasiirka Amniga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa SONNA u xaqiijiyay in Dhawaqyadii xalay Fiidkii Laga Maqlay Magaalada Muqdisho ay ahaayeen kuwa dheemish oo ah Baco Lagu Shubay Baaruudda Qaraxda.

Mudane Maxamed Abuukar Isloow Ducaale ayaa sheegay in walxahaasi dheemishka ah aysan qofna wax ku noqon,taasoo ujeedkeedu ahaa in lagu carqaladeeyo in shacabka Soomaaliyeed aysan cibaadaysan oo aysan Tukan Salaada Taraawiixda.

Ciidamada Amaanka oo garab xoogan ka helaya Shacabka Magaalada muqdisho ayaa si adag u adkeeyay Amniga Caasimada, iyadoo Madaxda Qarankana ay Ciidamada dhowr jeer ugu tageen baraha koon-torool ee magaalada iyo daafaheeda taasoo lagu dhiira-galinayay Geesiyaasha habeen iyo maalin u taagan Difaaca Shacabka Soomaaliyeed.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com