“Qaraxyada Muqdisho qayb waxaa fuliya siyaasiyiin dhuuni raac ah” Raysal wasaarihii hore Geeddi

“Qaraxyada Muqdisho qayb waxaa fuliya siyaasiyiin dhuuni raac ah” Raysal wasaarihii hore Geeddi

Siyaasi Cali Maxamed Geeddi ayaa ku tilmaamay qaraxyada qaar ee ka dhaca magaalada Muqdisho inay yihiin kuwa ay ka dambeeyaan siyaasiyiin dhuuni raac ah, waxaana uu ku tilmaamay inuu yahay dagaal siyaasi ah.

“Waxaan qarax argagaxiso ama Al-shabaab u aqaan kan ismiidaaminta ah ee ruuxa fulinayo isagu isdilayo , balse kan qof gaarigiisa lagu dhajinayo qarax ee lagu qarxinayo baararka cuntada gaadiidka la dhigo lagu dhejinayo , waa mid siyaasi cadaw ah oo umaddiisa raba inuu gumaado gaysanayo, isagoo raba inuu dowladda ku eedeeyo inay ammaanka wax ka qaban waysay” ayuu yiri Geeddi.

Siyaasigan oo lagu yaqaan hadal aan gabasho lana soo shaqeeyey dowladihii kalle duwanaa ee dalka soo maray ayaa waxaa uu sheegay shacabka Muqdisho inay xaq dastuuri ah u leeyihiin inay cabashooyinkooda muujiyaan, balse dibadbaxyada la abaabulayo ay yihiin kuwa dano siyaasadeed ay ka dambeeyaan.

Sidoo kalle waxaa uu sheegay xildhibaano katirsan baarlamaanka Soomaaliya inay siidaayeen dad ay ciidamada ammaanka ay xabsiyada dhigeen, kadib markii lagu helay inay ka mid yihiin Al-shabaab, iyagoona dowladda ku dhaliilaya inay ammaanka waxba ka qaban.

Hoos kadhagayso.

 

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com