Qarax xoogan oo lala beegsaday masuuliyiin katirsan maamulka gobolka Banaadir

Muqdisho, June 8-2013, Qaraxani oo ka dhacay halka lagu magacaabo laanta Barwaaqo oo ka tirsan degmadda Dayniile ee gobolka Banaadir ayaa lala eegtay masuuliyiin ka tirsan maamulka gobolka Banaadir ee Dawlada federalka Soomaaliya.
?
Wararku waxay sheegayaan in qaraxaasi ay ka badbaadeen mas?uuliyiinta gobolka Banaadir katirsanaa ee la bartilmaameedsanayey.
?
Gudoomiye Waaxeedka Barwaaqo Maxamed Cabdullaahi Cusmaan ayaa usheegay Warbaahinta Radio Daljir in qaraxa lala damacsanaa in lagu dilo gudoomiye ku xigeenka dhinaca siyaasada ?iyo ?bulshada maamulka gobolka Banaadir Cali Axmed Guure,Gudoomiyaha degmada Dayniile Muxuyadiin ?iyo gudoomiyaha degmada warta Nabada Deeqo C/qaadir oo halkaasi ku marayey kolonyo gaadiid ah.
?
Khasaaraha Qaraxaasi ayaan la tira koobin waxaase warar hordhac ahi sheegayaan in ilaa 2 qof oo katirsanaa ilaalada masuuliyiintaasi uu dhaawac kasoo gaadhey sida ay Radio Daljir u sheegeen dad goob joogayaal ah.
?
Magaalada Muqdisho ayaa mudooyinkii danbe waxaa kusoo badanaya falalka amaandaro, waxaana xiligan dadku aad walaac uga muujinayaan falalkan noocan ah soo socoshadoodda.
?
Diiwaanka Wararka
Radio Daljir
Buuhoodle

Daljir.com


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com