Qarax xalay ka dhacay Muqdisho

Waxaa soo baxaya faahfaahin ku saabsan qarax xoogan ka dhacay xalay wadada Soddonka ee magaalada Muqdisho iyadoo qaraxan ay ku dhaawacmeen labo ruux oo rayid ah.

Qaraxaan ayaa la sheegay inuu ahaa kuwa dhulka lagu aaso lagana hago meelaha fogfog waxana uu ka dhacay halka loo yaqaan Labo Dhagax ee degmada Warta-nabadda ee Gobolka Banaadir.

Dad goobjoogayaal ah ayaa sheegay in qaraxan lala eegtay gaari marayay wadada soddonka lamana oga gaariga ka badbaaday qaraxa cida wadatay.

Wadada soddonka ayaa labo maalmood ka hor sidan oo kale waxaa ka dhacay qarax ka dhashay miino dhulka lagu aasay waxaana qaraxaas ku dhintey darawal waday gaari uu lahaa madaxa Jaamacadda SIMAD ee magaalada Muqdisho.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com