Qarax miino oo lala eegtay masuuliyin ka tirsan jubbaland

Qarax miino oo lala eegtay masuuliyin ka tirsan jubbaland

Siddeed askari oo ka mid ah ciidamada ilaalada madaxtooyada Jubbaland ayaa dhintay kadib markii maanta barqadii miino dhulka lagu aasay ay la qaraxaday gaari ay saarnaayeen.

Wararka ayaa waxa ay sheegayaan in gaariga ay miinada la qaraxaday uu ka mid ahaa kolonyo baabuur ahaa oo ciidamada Jubaland ay leeyihiin kuwaas oo marayay inta dhaxaysa magaalooyinka Afmadow iyo Dhoobleey ee gobbolka Jubada Hoose.

Ciidamadan ayaa ka mid ahaa kuwa ka qeyb qaadanayay xaqiijinta amaanka Dhoobleey mudadii uu halkaasi ku sugnaa Madaxweynaha Jubaland Axmed Madoobe iyo xubno uu hoggaaminayay oo maalmahaan booqasho ku joogay degmadaas.

Dhowaan ayaa Madaxweynaha Jubbaland waxa uu sheegay in uu bilaabayo weeraro ka dhan ah ururka Al-Shabaab oo ku sugan inta badan deegaanada gobolka Jubbada Dhexe iyo weliba qeybo ka mid ah gobolka Jubbada Hoose.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • nuurkanederland 5 years ago

    SOMALIYA WAA MASHRUUC.
    ALSHABAB QARAXAY GEYSTAAN WAA IN LAWEYDIIYAA CIA & MI6.
    ISIS WAXAY QARXIYAANA WAA IN MOSSAD & CIA LAWEYDIIYAA.
    ISIS & ALSHABAB XINIIYO AY LEEYIHIIN DALKA KUMA JOOGAAN EE XINIIYO USA,UK,ISRAEL BAY WATAAN.
    MA AQBALI KARO INAY QARAXYADANI NAGUSII SOCDAAN.
    IS ISIS GOOD FOR THE ISRAEL.
    MOSSAD TRAINING ISIS LEADER.
    AFBUUXA ANIGAA KU LEH:-
    ISIS+ALSHABAB+CIA+MOSSAD+SIS=ONE.
    YUHUUDIGA GARKA WEYN EE LA BAXAY ABUBAKAR ALBAGHDADI ASALKIISU WAA YUHUUDI MAGACIISA SAXDA AHNA WAA ELLIOTE SHIMON KAAS URAYA QAAR KU JIRA BUURAHA GALGALA BAA KA AMAR QAATA JAHLI DARTII,JAHLIGU WAA CAJIB.
    DHALINYADII SOMALIYED JAHLI IYO FAQRI WUXUU KU SABABAY IN AY YUHUUDI KHAMIIS USOO XITAY AY U MALEEYAAN WADAAD MUSLIM!!!.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com