Qarax maanta kadhacay magaalada Muqdisho iyo khasaare kadhashay

Qarax maanta kadhacay magaalada Muqdisho iyo khasaare kadhashay

Faah faahino dheerad ah ayaa ka soo baxaya qarax khasaaro geystay oo Barqanimadii Maanta ka dhacy qeybo ka mid ah Wadada Warshadaha ee Magaalada Muqdisho.

Goobjoogayaal ayaa waxa ay sheegeen in qaraxaas uu ahaa Miinada dhulka lagu Aaso taas oo la dhigay ka soo horjeedka Warshada Biyaha Caafi ee ku taalla Wadada Warshadaha.

Sidoo kale waxaa la sheegay in xiliga qaraxa Miinada uu dhacayay uu Goobta marayay Gaari Cabdi Bille ah oo ay la socdeen Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya.

Laba Ruux oo Goobta ka agdhawaa ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhaawacmeen qaraxaas kuwaaas oo loola cararay Isbitaalada ku yaalla Muqdisho.

Rasaas ayaa la sheegay in ciidamadu ay kor u rideen iyada oo intaas kadib ay Goobta ka tageen ciidamadu xaaladuna ay caadi ku soo laabatay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com