Qarax lala beegsaday Ciidamadda AMISOM ee ku sugan shabeelaha dhexe

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya qarax xoogan oo Ciidamo ka tirsan kuwa AMISOM lagula eegtay qeybo ka mid ah gobolka Shabeelaha Dhexe.

Qaraxan oo ahaa nuuca Miinada dhulka lagu aaso ayaa la sheegay in Askar ka tirsan kuwa Burundi lagula bartilmaameedsaday inta u dhexeysa degmada Jowhar iyo deegaanka Buurane ee gobolkaasi, sida Radio daljir u sheegen qaar kamid ah dadka degaanka.

Lama oga illaa iyo hadda khasaaraha dhabta ah ee Ciidanka AMISOM ka soo gaaray qaraxaasi.

Dhinaca kale Al Shabaab ayaa sheegatay masuuliyadda qaraxan, sida ay ku baahiyeen barahooda Internet-ka.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com