Qarax lagu dilay Ciidamo Kenyaan ah

Wararka naga soo gaaraya Magalada Wajeer ee Gobolka Waqooyi dalka Kenya waxa ay sheegayaan in qarax khasaaro geystay lala eegtay Ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Kenya.

Qaraxaan ayaa ahaa miinada nooca dhulka lagu aaso waxaana lala eegtay Gaari ay wateen booliska Kenya xilli uu marayey deegaanka Bojigaras oo ka tirsan gobolka Waqooyi Bari keny.

Qaraxaas waxaa Warbaahinta gudaha Kenya u xaqiijiyey Guddoomiyaha magalada wajeer Loyford Kibaara,waxana uu sheegay in ay jiraan khasaaro dhimasho iyo dhaawac ah balse ay wadaan baaritaano.

Ciidamo kale oo ka tirsan kuwa kenya ayaa u soo gurmaday ciidamada qaraxa lala beegsaday,waxana bur buray gaarigii uu qaraxa qabsaday.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com