Qarax khasare geeystay oo Muqdisho ka dhacay iyo saraakil ka badbaaday

HomeWararka

Qarax khasare geeystay oo Muqdisho ka dhacay iyo saraakil ka badbaaday

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, kaasoo ahaa gaari kuwa raaxada ah oo lagu xiray waxyaabaha qarxa. Sida ay sheegayaan warark

Togga u dhexeeya Ceel-Daahir iyo Carmo ayaa biyo xoogleh kusoo rogmadeen
Warka Arooryo iyo Subeer Shiikh Cabdi, Daljir Gaalkacyo (dhegayso)
XULASHADA DALJIR | FAADUMO DEGGAN DAAHIR | BOOSAASO

Qarax ayaa goor dhow ka dhacay Wadada Maka Al-Mukarama, kaasoo ahaa gaari kuwa raaxada ah oo lagu xiray waxyaabaha qarxa.

Sida ay sheegayaan wararka qaraxa ayaa lagu xiray gaari uu lahaa Taliyaha qeybta Baarista CID Cumar Bile.

Goobjoogayaal ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhacay agagaarka Banaadir Palaza oo u dhaxeysa Isgoyska Shaqaalaha iyo Taree Biyaano ee Wadada Maka Al-Mukarama.

Ciidamo ka tirsan kuwa Booliska ayaa gaaray goobta qaraxa ka dhacay, kuwaasoo gebi ahaanba wadada xiray.

Wadada Maka Al-Mukarama ayaa ah wadada ugu badan ee qaraxyada ka dhacaan, waxaana todobaadyo ka hor ka dhacay qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay Hotel Maka Al-Mukarama.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: