Qarax kadhacay Shiinaha oo dilay 22 qof iyo dhaawaca 22

Qarax kadhacay Shiinaha oo dilay 22 qof iyo dhaawaca 22

Qarax ayaa kadhacay goob u dhow warshad soo saarta kiimikada oo ku taala gobolka waqooyiga Shiinaha ku yaala ee Hebei , kaasi oo dilay 22 qof, dhaawacana uu gaarayo ku dhowaad 22 kalle.

Muuqaal laga soo duubay ayaa muujinaya qarax xoogan oo kadhacaya magaalada Zhangjiakou , waxaana la arkayay uuro iyo qiiq cirka isku shareeraya, iyadoo gaadiid kalle duwan oo wadada dhankeeda yaalay ay gubanayeen.

Qaraxa ayaa kadhacay gaari kiimiko uu ka buuxo oo galayay warshad kiimkikada lagu sameeyo, waxaana magaalada  Zhangjiakou ee qaraxan uu kadhacay la qorshaynayaa inay marti galiso cayaaraha olombikada ee 2022.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com