Qarax kadhacay magaalada Baladwayne

Beledwayne, Apr 23 -Qarax miino ayaa maanta magaalada Baledwayne ee xarunta gobolka Hiiraan lagula beegsaday gaadiid ay la socdeen ciidamada dowladda Itoobiya ee fariisimaha ku leh magaalada Baladwayne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Ma cadda khsaaraha dhimasho iyo dhaawac ee qaraxa kasoo gaaray ciidamada dowladda Itoobiya, hasse ahaatee , goob joogayaal ayaa ku wamaray afar qof inay ku geeriyoodeen rasaas ay ciidamadu fureen xiliga qaraxa uu dhacay kadib.

Ciidamada dowladda Itoobiya oo kaabaya ciidamada dowladda faderaalka ee Soomaaliya ayaa galay magaalada Beledwayne dhamaadkii sanadkii 2011-xiligaas oo ay dagaal ugala wareegeen ururka Al-Shabaab.

Diiwaanka Wararka
Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com