Qarax kadhacay Buulo-Burde Hiiraan iyo khasaare kasoo gaaray AMISOM

Qarax kadhacay Buulo-Burde Hiiraan iyo khasaare kasoo gaaray AMISOM

Qarax ayaa subaxnimadii maanta kadhacay magaalada Buulo-Burde ee gobolka Hiiraan, kaasi oo lala eegtay ciidamo katirsan kuwa AMISOM ee kasocda wadanka Jabuuti.

Qaraxa ayaa la sheegay inuu dhacay xilli ay ciidamadu ka war heleen qarax lagu aasay saldhig ay ku leeyihiin magaalada Buulo-burde waxaana uu dhacay xilli ay qaraxa doonayeen inay ka saaraan goob lagu aasay.

Saraakiisha caafimaadka ayaa soo warinaya hal askari inuu ku geeriyooday oo kasoo jeeda Jabuuti, laba kalena ay ku dhaawacmeen kuwaasi oo isbitaal la dhigay.

Qaraxa ayaa dhacay xilli ay ciidamadan lala beegsaday ay badaleen maalmo kahor ciidamo dib ugu laabtay dalka Jabuuti oo laba sano ka howlgalayay magaalada Buulo-burde.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com