Site icon Radio Daljir

Qarax ka dhacay Deked ku taala Shiinaha oo Dilay 50 Qof

Khamiis, Ogoosto 13, 2015 (Daljir) —Dekada Tianjin ee wadanka Shiinaha oo kutaal mid kamid ah magaalooyinka ugu wershedaha badan wadankaasi ayaa waxaa kadhacay qarax xoogan oo kudhinteen in kabadan 50 ruux 400 oo kalena ay ku dhaawacmeen.

Wakaaladaha wararka ee wadankaasi ayaa shaaciyey in qaraxaan uu bilowday xilli dambe maalinimadii Arbacadii kadib markii qalab kiimiko ah, alaab khatar ah oo ku kaydsanayd ay gubatey.
 
Wakaaladda wararka dowladda China u faafisa ee Xinhua ayaa shaacisay maanta oo khamiis ah inay dhinteen 44 ruux oo laxaqiijiyey sidoo kalena ilaa hada lala’yahay boqolaal kale oo ay kujiraan 32 kamid ah shaqaalaha dabdamiska.
 
 

Daljir.com

Exit mobile version