Qarax ismiidaamin ah oo ka dhacay duleedka Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya duleedka magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in goor dhawayd halkaasi uu ka dhacay qaraxa ismiidaamin ah.

qaraxan ayaa ka dhacay  goob ay ku sugnaayeen shaqaalaha dhisaya waddada Muqdisho iyo Afgooye isku xirta halkaas oo ay joogeen ciidamo katirsan booliska Soomaaliya.

khasaare  isugu jira dhimasho iyo dhaawac ayaa ka dhashay qaraxan,mana jirto ilaa iyo hataan cid ka hadashay oo dowladda katirsan.

Ciidamada dowladda ayaa ku baxay goobta uu qaraxa ka dhacay.

Warar  ayaa sheegaya in taliyihii ciidanka haramcad ee gobolka Banaadir Fanax iyo ilaaladiisa ay ku dhaawacmeen qaraxan.

Al-shabaab ayaa sheegatay mas,uuliyada weerarkan.

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com