Qarax ismiidaamiin ah oo kadhacay duleedka Muqdisho

Qarax ismiidaamiin ah oo kadhacay duleedka Muqdisho

Qarax ismiidaamin ayaa ka dhacay deegaanka Siinka dheer ee duleedka Muqdisho ee isku xirta Muqdisho iyo Afgooye.

Wararka ayaa sheegaya gaari wayn oo qarax waday inuu qarxay kadib markii baaritaano ay ku bilaabeen ciidamada amaanka ee ku sugnaa barkantorool ee deegaankaasi ku yaala.

Gaariga ayaa ka yimid gobolka Shabeelada hoose, waxaana uu yimid xilli amaanka Muqdisho maanta aad loo adkeeyey iyadoo wadooyinka waawayn ee magaalada la xiray, sababo la xiriiro khataro amni oo ay ka digeen hay’adaha amaanka ee dowlada faderaalka Soomaaliya.

Qaraxa ayaa waxaa sheegtay ururka Al-shabaab oo ku tilmaamay inay ku dileen toban ka mid ah ciidamada dowladda faderaalka Soomaaliya.

Qaraxa khasaaraha ka dhashay ayay wararku sheegayaan inuu ahaa mid kooban, waxaana la filayaa inay dowladda ka hadasho qaraxaasi oo saraakiisha amaanka ay sheegeen in lagu fashiliyay weeraro laga gaysto Muqdisho.

 

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com