Site icon Radio Daljir

Qarax Ismidaamin ah oo lala eegtay Ciidamada qeybta 21aad ee degmadda Bacaadweyne ee koonfurta Gobalka Mudug (dhegayso)

Warar dheraad ah ayaa ka soo baxaya weraar ismidaamin ah oo lagu qaaday saldhig Ciidamada dowladda ee DANAB ay ku leeyihin degmadda Bacaadweyn ee koonfurta gobalka Mudug.

Dad Goobjoogayaal ayaa waxaa ay sheegeen in Gaari nooca loo yaqaano Leyla Calaawi oo walxaha qarxa laga soo buuxiyay ay ciidamadu ku joojiyeen afaafka hore ee saldhiga qeybta 21-aad ka degan yihiin Deegaanka Bacaadweyne,hayeeshee wadaha uu isku dayay in uu si awood ah koontoroolka ku marsiiyo,balse Ciidamad ay ku dhufteen Qori Baasuuke ah sidaasina uu ku qarxay.

Dhinaca kale Saraakiil ka tirsan Ciidamada qeybta 21aad ayaa waxaa ay sheegene in qaraxaasi ay ku dhinteen saddex ruux oo kala ah wadihii gaariga qaraxa siday iyo laba askari oo ka tirsan Ciidamada ee gaariga joojiyay.

Guddoomiyaha degmadda Bacaadweyne ee koonfurta Gobalka Mudug Axmed Daahir oo Qaraxa ka dib Waraysi siyeey Warbaahinta Daljir ayaa faahfaahin kabixiyeey Qaraxaas iyo khasaaraha uu geeystay.

Axmed Daahir Guddoomiyaha degmada Bacaadweyne by Radio Daljir

Diwaanka wararka
Radio Daljir

Exit mobile version