Qarax Ismidaamin ah oo galabta kadhacay Muqdisho (Dhegayso/Sawiro)

Qarax Ismidaamin ah oo galabta kadhacay Muqdisho (Dhegayso/Sawiro)

Waxaa Qarax Khasaare geeystay uu galabta Kadhacay Magaaladda Muqdisho,gaar ahaan Wadda Mashquulka baddan ee Maka Almukarama,gaar ahaan ka soo horjeedka hotelka Wehliya oo ku yaalla agagaarka Isgoyska dabka ee Wadada Maka Almukarama Magalada Muqdisho.

Qaraxa ayaa ahaa mid laga soo buuxiyay gaari,waxana wararka aan heleyno ay sheegayaan in Gariga ay eryanayeen ciidamo ka tirsan kuwa dowladda Soomaaliya balse markii uu marayay kas oo horjeedka hotelka wehliya uu qarxay.

Khasaaro dhimasho iyo dhaawac isugu jira ayaa qaraxaas ka dhashay,waxana dadka dhintay iyo kuwa dhaawacmay ay isugu jiraan kuwa Ganacsi ku leh Goobta uu qaarxa ka dhacay iyo kuwa saarnaa Gawaarida nooxa raaxada iyo kuwa dadweynaha Bii’elka loo yaqaano kuwaas oo Wadada isticmaalayay.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga Soomaaliya C/casiis Xildhibaan oo warbaahinta kula hadlay goobta uu qaraxa ka dhacay ayaa marka hore tacsi u diray dhammaan ehelada dadkii qaraxaasi waxyeelada ay ka soo gaartay.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com