Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Marka, gobolka Shabelaha Hoose

Qarax ay dad ku dhinteen oo ka dhacay Marka, gobolka Shabelaha Hoose

Wararka ka imanaya magaalada Marka ee gobolka Shabelaha Hoose ayaa sheegaya in qarax xoog leh uu ka dhacay garaash ku yaal bartamaha magaalada Marka.

Qaraxa oo jugtiisa laga maqlay inta badan xaafadaha magaalada Marka ayaa waxaa ku dhintey hal ruux halka burbur xoog leh uu u geystey goobtii uu ka dhacay.

Sida uu u sheegaya saxaafada mid ka mid ah mas’uuliyinta magaalada Marka qaraxa ayaa waxaa ku dhintey nin caan ka ahaa magaalada Marka oo magaciisa lagu sheegay Saciid Jalbow, Balse lama oga inuu ahaa qofka qaraxa diyaarinayay iyo in kale.

Majiro illaa hadda cid sheegatay in ay ka dambeysay qaraxa hase yeeshee waxaa uu qaraxan dhacay iyadoo xaalada amni ee magaalada Marka uu dhowrkii bilood la soo dhaafay uu wanaagsanaa.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com