Qaramada midoobey oo mudada u kodhisey howlgalka AMISOM.

(July 08 2016)-Golaha ammaanka ee qaramada Midoobey ayaa mar kale kordhisay mudada howlgalka ciidamada Midowga Afrika ee Soomaaliya, waxasna ay sheegeen in uu socon doono illaa 31-ka May 2017-ka.

War qoraal ah oo kasoo soobaxay golaha ammaanka meel-armaiyay ayaa lagu sheegay in loo baahan yahay in tirada Amisom laga sare mariyo 22,126-askari, taasoo ay ku sheegeen mid lagu dar-dar-geliyo hawl-galka iyo geeddi-socodka siyaasadda Soomaaliya.

Golaha ammaanka qaraarkan uu diyaariyay ayaa waxa kaloo lagu sheegay in Amisom laga doonayo inay Ciidamada Soomaaliya ku wareejiyaan qaybo ka mid ah hawlaha ay hayaan si ay Ciidamada Soomaaliya awood ugu yeeshaan gudashada waajibaadyadooda ku aaddan sugidda nabad gelyada.

15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka xubnaha ka ah ayaa ugu dambayntii Taliska Amisom waxay ka dalbadeen in baaritaanno lagu sameeyo eedeymaha ciidanka loo soo jeediyo, isla markaana la dhawro xeerarka iyo shuruucda ciidamada iyo kan caalamiga.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com