Qaramada midoobey oo ku baaqday in cadaallada la horgeeyo raggii weeraray arbacadii hotel Jaziira

New York, January 3, 2014 – Xoghayaha guud ee qaramada midoobey Bank moon iyo guddiga shan iyo tobanka gollaha amaanka ayaa si isku mid ah u dhaleeceeyey weeraradii ka dhacay hoteel Jaziira ee Muqdisho.

Qoraal ka soo baxay xafiiska Qaramada midoobey ee New York, ayaa lagu muujiyey sida golluhu uga xunyahay khasaaraha ka dhashay weerarka lagu qaaday hotel Jaziira.

Qaramada Midoobey waxay ku baaqeen in cadaallada la horkeeno dadkii ka dambeeyey weerarkaas, sidoo kale waxaa qoraalka lagu boggaadiyey dadaalka iyo taageerada beesha caalamka.

12 qof oo ay ku jiraan saraakiil ciidan ayaa ku dhintay sidoo kale waxaa dhaawacmay in ka badan 30 kale, markii Arbacadii qaraxyo labba ah lagu weeraray hoteel Jaziira.

Diiwaanka wararka

Radio Daljir

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com