Qaramada Midoobey oo ka hadashay Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

HomeWararka

Qaramada Midoobey oo ka hadashay Shirka dib u heshiisiinta Galmudug

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa bogaadiyay dadaallada dib u heshiisiinta ah ee ka socda degaanad

Amniga magaalooyinka Bosaaso iyo Gaalkacyo sidee la isaga kaashan karaa (dhegayso)
Saraakil Madaxweynaha Puntland uu ruqsiyeey oo Garoowe ka hadlay (Daawo)
Wararkii ugu dambeeyay ee dagaalka Itoobiya (Akhiso)

Wakiilka xoghayaha guud ee Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya James Swan ayaa bogaadiyay dadaallada dib u heshiisiinta ah ee ka socda degaanada maamulka Galmudug, waxaana uu sheegay in ay tahay tilaabo wanaagsan oo horay loo qaaday.

Wakiilka ayaa sheegay in xubnaha maamulka Galmudug iyo dowladda dhexe ee Soomaaliya uu ugu baaqayo in la gaaro heshiis dhab ah oo horseedi kara in guud ahaan lasoo Afjaro dhibaatooyinka ka jira degaanada maamulka Galmudug.

Waxaa uu xusay in Qaramada Midoobey ay taageero ku bixinayso in doorasho Xalaal ah ay ka dhacdo degaanada maamulka Galmudug markii uu soo dhamaado Shirka dib u heshiisiinta maamulka Galmdug.

“Geeddi-socodka doorashooyinka Dawladaha xubinta ka ah Dawladda Federaalka si dhaw ayaan ula soconaynaa, horumar ayaa ka jira Galmudug halkaasoo ay gacan ka heyso Dowladda Federaalka ah waa Mid wanaagsan , waxaa shaqeynaya Guddiga dib u heshiisiinta waana dhiirigelinaynaa dadaalkan” ayuu yiri James Swan

Waxaa uu ku baaqay ugu dambeyntii In la gaaro heshiis guud oo ku saleysan geedi socodka doorashada Galmudug si looga fakaado dhibaatooyin ka dhasha doorashadda maamulka Galmudug.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: