Qaramada Midoobey oo Dalbatay in Soomaaliya laga Taageero Dagaalka Alshabaab

HomeWararka

Qaramada Midoobey oo Dalbatay in Soomaaliya laga Taageero Dagaalka Alshabaab

Qaramada Midoobey ayaa ka codsaday  Beesha Caalamka in ay si xoogleh ay ula shaqeeyaan Soomaaliya si looga guuleysto Al-Shabaab oo ay sheegeen in ay a

Qarax dad ku dhawacmeen oo Muqdisho ka dhacay (Daawo)
Madaxweyne Qoor Qoor oo tababar u furay dufcadii koowaad ee ciidanka Booliska Galmudug
Kulankii Baarlamaanka Soomaaliya oo markale baaqday iyo Xildhibaanada oo gacmaha iskula tagay (daawo)

Qaramada Midoobey ayaa ka codsaday  Beesha Caalamka in ay si xoogleh ay ula shaqeeyaan Soomaaliya si looga guuleysto Al-Shabaab oo ay sheegeen in ay adag tahay in laga adkaado  hadii Caalamka oo dhan aysan taageero buuxda siinin Soomaaliya.

Antonio Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey oo khudbad uu kaga hadlaayay Xaaladda Qaaradda Afrika jeediyay ayaa Beesha Caalamka ka dalbaday in la gacansiiyo dalalka Afrika  si ay u yeeshaan ciidan xooggan oo xalinkara marka ay yimaadaan isku dhacyo.

Khudbadda oo uu jeediyay xubno ka tirsan Golaha Ammaanka ee Qaramada Midoobey , waxaana uu ku sheegay in hadda la doonaayo in si deg deg ah wax looga qabto Al-Shabaab iyo Boko Haram oo sheegay in ay yihiin Caqabada ugu weyn ee Afrika.

Waxaa uu sidoo kale tilmaamay in ay muhiim tahay in taageero badan la siiyo Ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed iyo kuwa AMISOM oo uu sheegay in ay dagaal xooggan ay kula jiraan Al-Shabaab.

“ Waxaan Aaminsanahay hadii la taageero ciidamada AMISOM ,islamarkaana la xoojiyo dhismaha ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed in Al-Shabaab looga guuleysan karo si dhaqsiyo leh ama lagu jabinkaro” ayuu yiri Antonio Guterres Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobey

Waxaa uu sidoo kale  intaasi hadalkaasi uu kusii daray ay muhiim tahay in Soomaaliya laga taageero dhismaha kaabayaasha Dhaqaalaha.

“Hadii ay adduunku usoo jeestaan Soomaaliya muddo yar ayaa lagu xasilinkara dalka oo dhan , islamarkaana lagu ciribtikaraa  kooxaha Argagixisadda ah” ayuu yiri Antonio Guterres.

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: