Qaramada Midoobay oo ku bixineysa Sagaal malyan oo dollar wax ka qabashada fatahaadaha

Qaramada Midoobay ayaa shaacisay in lacag gaareysa US$9.26 milyan oo dollar ay ku bixineyso shacabka ay fatahaaduhu saameeyeen oo gaaraya saddex boqol oo kun oo ruux oo ku nool Banaadir,Hiiraan,Jubbada Hoose,Sh/dhexe iyo Sh/hoose.

Dhaqaalahan ayaa waxaa bixineysa hay’ada SHF waxana loo marinayaa dadka ay fatahaaduhu saameeyeen ururada wadaniga ah iyo kuwa caalamiga ah sida uu sheegay Mr. Adam Abdelmoula oo ah xiriiriyaha arrimaha bani’aadanimada ee Soomaaliya.

“Lacag gaareysa $8.18 million oo dollar ayaa loogu talogalay cuntada,waxyaabo aan ahayn cunto,hoy,biyo,daawo iyo nadaafada biyaha,”ayaa lagu yiri qoraal ka soo baxay hay’adda OCHA.

Hay’ada SHF oo bixinaysa lacagtan ayaa waxaa lacagtan ka heleysaa wadamada Australia, Canada, Denmark, Germany, Ireland, Republic of Korea, Luxembourg, Netherlands, Norway, Sweden iyo Switzerland.

Diwaanka wararka
Warbaahinta Daljir


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com