Qalbidhagax: “Sanbaloolshe iyo Madaxda Dowladda ayaa sabab u ahaa in aan xabsi ku galo Itoobiya” (dhegayso)

Qalbidhagax: “Sanbaloolshe iyo Madaxda Dowladda ayaa sabab u ahaa in aan xabsi ku galo Itoobiya” (dhegayso)

Cabdikariim Shiikh Muuse Qalbidhagax oo ay horay dowladda Soomaaliya ugu wareejisay xukuumadda Itoobiya, kadib markii lagu eedeeyey inuu ka tirsanyahay urur argagaxiso ayaa waxaa uu ka hadlay shaqsiyaadkii ku wareejiyay dowladda Itoobiya ee ka tirsanaa madaxda Soomaaliya.

Waxaa uu sheegay in markii hore lagu xiray magaalada Gaalkacyo muddo 3 beri ah, kahor intii aan loo dhoofin magaalada Muqdisho, waxaana uu sheegay in laga qabtay Gaalkacyo oo uu xabsi ku jiray muddo saddex maalmood ah, kadibna isagoo indhaha iyo gacmaha ka xiran ay ciidamada nabad sugigga ka qaadeen magaalada Gaalkacyo, lana geeyay xabsiga Godka Jilcow ee ay maamulaan ciidanka nabad sugidda.

Cabdikariim Qalbidhagax ayaa sheegay in uu xarigiisa iyo wareejintiisa Itoobiya inuu lahaa agaasimihii hore hay’adda nabad sugidda qaranka Cabdulaahi Sanbaloolshe, waxaana sidoo kale uu xusay in madaxweynaha iyo raysal wasaaraha ay la socdeen talaabooyinkiisa.

Dhanka kale, mar uu ka hadlayay xarigga loo gaystay iyo go’aankiisa ayaa waxaa uu sheegay inuu dhowaan booqan doono eheladiisa oo ku sugan dalka Kenya, sidoo kalena uu u safri doono meelo ka mid ah dalka Soomaaliya.

Cabdikariin Qalbidhagax ayaa xarigiisa waxaa ka abuurmay kacdoon bulsho, waxaana dowladda Soomaaliya ay horay ugu eedaysay in uu ka tirsanyahay urur argagaxiso oo ah ONLF.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com