Qalabki lagu dhisi laha Dekadda Garacad oo Gaalkacyo laga dajiyaay (dhegayso)

Qalabki lagu dhisi laha Dekadda Garacad oo Gaalkacyo laga dajiyaay (dhegayso)

Waxaa magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug maanta lagu soo bandhigay Wajiga koowaad ee qalabka lagu dhisayo dekada Garacad oo dhowaan lafilayo inuu dhismaheeda bilowdo.

Qalabkaan maanta lasoo bandhigay ayaa waxaa loosii gudbin doonaa degmada Garacad oo ah meesha lagu howlgalindoono.

Campaniga Wadaagsan ayaa ah midka wada masharuuca dhismaha Dekeda Garacad halka Shirkada TTN oo ah shirkad lagaleeyahay dalka Turkiga ay tahay shirkada qaadatay Fulinta iyo dhisida dekeda Garacad.

Masuuliyiin ka socotay dowlada federaalka Soomaliya, Dowlada Puntland,Maamulka Gobolka Mudug, Maamulka degmada Gaalkacyo, Isimo iyo waxgarad ayaa munaasabada goob joog ahaa dhamaantoodna waxay sheegeen in ay aad ugu faraxsanyihiin in Garacad lageyo wajiga koowaad ee Qalabka lagu dhisayo dekeda Degmada Garacad.

Dhismaha Dekeda Garacad ayaa lafilayaa dhowaan in labilaabo taasi oo in mudo ah ay hadalhayeen bulshada ku dhaqan gobolka Mudug,waxaana Dekeda dhismeheeda looxilsaarey Companiga Wadaagsan.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 1
  • Abwaan Ilyaas 6 years ago

    Dadka ka khudbaynaya munaasabadda looga hadlayo dhismaha dekadda Garacad maxaa loo qarinayaa magacyadooda? Maxaase loo qariyey qudbaddii oo loo maqliwaayey qudbaddii Garaadka ee meesha lagu xussay inuu xaadir ku yahay? Waxa ma dadkaa lagu cammaynayaa? Timir laf baa ku jirta ee waa in Radio Daljir si fiican u hubsadaa munaasibaddaan u eg mid aan jirin ee xaalad abuura ee un lacag looga aruursanayo dadka masaakiintaa ee beenta loo sheegayo. Munaasibaddaan waxaa loo ekaysiiyey in uu soo wariyey Radio Daljir. Wixii danbiya oo halkaas ka dhaca waxaa loo haystaa Radio Daljir.

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com