Qabanqaabada xuska maalinta Af-ka Hooyo oo ka socota Puntland, xilli shalay laga xusay gobollada qaar.

Garowe, Oct, 22 – Qabanqaabada maalinta Af-ka Hooyo? ayaa waxaa laga dareemayaa magaalada Garoowe ee caasimada Puntland,.

Xuska maalinta ?Af-ka Soomaaliga ayaa waxaa ay ku beegantahay 21-ka Octobar,? iyadoo laga xusay qaarka mid ah gobollada Soomaaliya maalintii shalay ahayd, hase ahaatee ?Dawladda Puntland iyo Dalada ay ku midaysanyihiin qalinlayda Soomaaliyeed ee (PEN) ?waxay isla garteen in xuskaasi lagu beego 28 bishaan Octobar.

Wakiilka Daladda ay ku midaysanyihiin Qalinleyda Soomaaliyeed ee Pen Maxamed Shiikh Xasan Afguriye (Xukun) ayaa radio Daljir u sheegay inay dib u dhacday munaasabadaasi balse ay dadaal iyo abbaabul balaaran ugu jiraan sidii loo dhigi lahaa munaasabad wayn oo la xariirta maalinta Af-ka Hooyo.

Mr Xukun, ?ayaa sheegay in uu Af-ka Soomaaligu ka mid yahay Afafka qigmada badan isla markaana ugu da?da wayn waxaana uu intaasi ku daray in Af-ka Soomaaliga iyo Af-ka Carabigu ay aad iskugu dhawyihiin balse aysan dadka Soomaaliyeed Qiimo wayn u yeelin Afkooda isagoo sheegay inay Ereyo badan u isticmaalaan luuqado kale oo ay ka mid tahay luuqada English-ku,dhinaca kale daraasaad la sameeyey sanadihii 2009-2010 ayaa waxaa lagu ogaaday in ay dunida jiraan Afaf sii dabar go?aya iyo kuwo qarka u saran inay dabar go?aan 10 Sano ee soo socota.

Daladda ay ku midaysanyihiin Qalinlayda Soomaaliyeed ee Pen ayaa sheegtay in looqada Soonaaligu ay ka mid tahay Afafka sii wiiqmaya islamarkaana loo baahanyahay in dib loo soo nooleeyo,gudoomiyaha Daladdaasi Pen Maxamed Daahir (Afrax) ayaa sanadkii 2010 mar uu soo gaarey gobolada Puntland waxaa uu ka bilaabay baraarijin iyo kulamo lagu dardargalinayo ?soo noolayno Af-ka Soomaaliga oo uu sheegay inay soo muuqato astaamo laga dareemi karo burbur ku yimaada Af-ka Soomaaliga,

Cabdiraxmaan Xuseen Xasan (Gaardi)

Radio Daljir Garoowe

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com