Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha Hirshabeele oo Socota iyo Xudur oo Bandow ah (dhegayso)

Qabanqaabada Doorashada Madaxweynaha Hirshabeele oo Socota iyo Xudur oo Bandow ah (dhegayso)

Amaanka magaalada Jowhar ee xarunta maamulka Hirshabeele ayaa aad loo adkeeyay waxaana socota qabanqaabada doorashada Madaxweynaha. Musharraxiinta u taagan xilka madaxweyne ayaa ku sii qulqulaya Jowhar kuwaas oo illaa hadda ah 12 musharrax.

Maalinta Sabtida ah ayaa la qorsheeyey in ay dhacdo doorashada maamulka Hirshabeelle.

Dhnaka kale waxaa maanta bandow lagu soorogay magaada Xudur ee maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya, waxayna wararku sheegayaan in Alshabaab ay qorsheenayaan in weerar kale oo xooggan ay ku qaadayaan Mukhtaar Roobow iyo ciidamada uu huggaaminayo.

Hadaba Warkaas iyo weerar lagu qaaday kolonyo ka tirsan ciidamada dowlada Federaalka Soomaaliya oo marayey duleedka magaalada Balcad waxaan ka waraysanay wariyaheena Magaalada Muqdisho, Cabdiqaadir Yuusuf Irshaad. Waxaa waraystay Xasan Heykal.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com