Site icon Radio Daljir

Qaar kamid ah wadooyinka magaalada Muqdisho oo xiran.

Muqdisho, Mar 01 2017-Wadooyinka ugu muhiimsan Magaalada Muqdisho ayaa Saakay xiran xilli maanta lagu waddo in kala fadhiga Baarlamaanka Soomaaliya uu furo Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo.

Isgoysyada Muqdisho sida Howlwadaag,Taraboonka iyo sidoo kale Wadada Dheer ee Maka Almukaramah ayaa saakay xiran.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullaahi Farmaajo ayaa horay marar badan ugu amray laamaha ammaanka inaan wadooyinka la xirin.

Daljir.com

Exit mobile version