HomeUncategorized

Qaar kamid ah beelihii ka Qayb-galayay Shirka Cadaado oo isaga baxay magaaladaas

Khamiis, Juun 25, 2015 (Daljir) —Ergooyinka Beelaha wada deggan Goballadda Dhexe ee ku sugnaa Degmadda Cadaado ayaa u ruqaansaday magaallo-madaxda Gobalka Galgaaduud ee Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galaan Shirweyne ay Ahlu Sunna Wal-jameeca gogoshiisa dhigtay.

Madaxweynaha xasan sheikh iyo wasiiro ka tirsan Soomaaliya oo maanta booqday degmada Marka
(DHAGEYSO) Puntland oo laga xusay Maalinta Shaqaalaha Aduunka
DHEGEYSO-Gudoomiyaha Bangiga dhexe oo barlamaanka looga yeeray.

Khamiis, Juun 25, 2015 (Daljir) —Ergooyinka Beelaha wada deggan  Goballadda Dhexe ee ku sugnaa Degmadda Cadaado ayaa u ruqaansaday magaallo-madaxda Gobalka Galgaaduud ee Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galaan Shirweyne ay Ahlu Sunna Wal-jameeca gogoshiisa dhigtay.

Wafuudda Beelaha Wacaysle, Murusade iyo Cayr ayaa saakayto gaaray magaalladda Dhuusa-mareeb, halkaasi oo ay ku soo dhaweeyeen Mas’uuliyiin ka tirsan Ururka Ahlu-sunna Wal-jameeca ee gacanta ku haya inta badan Gobalka Galgaduud.

Wafdiga Beesha Wacaysle, waxaa hoggaaminayey  Ex-Xildhibaan C/llaahi Geeddi Shadoor, oo isagu horey u shaaciyey inay Beeshiisa qaadaceen Shirka Maamul-u-samaynta Goballadda Dhexe ee haatan ka socda Degmadda Cadaado.Ergadda Beesha Marayxaan ee ka mid ah Beelaha wada degga Goballadda Dhexe ayaa horey u gaaray Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galaan Shirka looga tashanayo Aayaha dadka ku nool Goballadda Galgaduud iyo Mudug.

Dhinaca kale, Xildhibaano ka tirsan Barlamaanka Federalka ee ka soo jeeda Goballadda Dhexe  ayaa la sheegay inay gaareen Dhuusa-mareeb, si ay uga qeyb galayaan Shirka ka furmay Dhuusa-mareeb.Ergooyinka haatan ku sugan Dhuusa-mareeb ayaa ku eedeeyey Dowladda Federalka inay faragelin ka hayaan Shirka Cadaado, isla markaana ay Dowladda taageerayso qaar ka mid ah Musharixiinta Madaxtinimadda oo ay ka tilmaameen Wasiirkii hore ee Arrimaha Gudaha iyo Amniga Qaranka, C/kariim Xuseen Guuleed oo ay sheegeen inuu ku fashilmay xilkii uu Dowladda Federalka ka hayey.

Daljir.com

COMMENTS

WORDPRESS: 0
DISQUS: