Puntland:Xal Ma ahan 4.5

Somalia, December 19, 2015-(Daljir)_ Guddoomiyaha barlamaanka dowladda Puntland Axmed Cali Xaashi ayaa sheegay barlamaanka Puntland, xakuumada iyo shacabkooda inay ka go’an tahay inaan dib loogusoo laaban nidaamka cuuryaamiyay horumarka Soomaaliya ee 4.5.

Guddoomiye Axmed wuxuu sheegay dadka doonaya in lagu noqdo 4.5 ay yihiin kuwo aan doonanayn in Soomaaliya lugaheeda ku istaagto islamarkaana hor istaagan in shacabka Soomaaliyeed helaan cadaalad ay ku dooran karaan cida ay rabitaankoodu ku jirto.

“Haddii mar lagu heshiiyay inaan dib loogu laaban 4.5 oo dastuurka lagu qoray,  hadda wixii loogu war wareego waxaan u arkaa inay tahay aan dib ugu laabano 1991,” ayuu yiri Xaashi,

“Anagu mowqifkeena wuu cad yahay kumana doodayno waxaan sharci ahayn, waxaan ku doodaynaa waa horumarka Soomaaliya iyo qabiilka laga gudbo. Cidii uu culays kaga jiro 4.5 in laga gudbo shacabkooda ha u iftiimiyaan dhibaatadiisa.” Ayuu yiri Xaashi.

 

Daljir.com

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com