Puntland: “Waxaan soo jeedinaynaa in shirka DFS iyo DG uu ka dhaco garoonka Muqdisho”

Puntland ayaa war saxaafadeed ay soo saartay waxay kaga hadashay mowqifkeeda shirka Muqdisho ee Khamiista, iyadoo walaac ka muujisay in Madaxweynaha muddo xileedkiisa dhammaaday Maxamed C/llaahi Farmaajo uu markasta soo saarayo qoraalo, qaadayana tallaabooyin carqaladeynaya dadaalada xalka loogu raadinayo caqabadaha hor taagan geeddi socodka qabsoomidda doorashada Baarlamaanka iyo Madaxweynaha ee Dowladda Federaalka Soomaaliya.

“Dowladda Puntland waxay u aragtaa dadaalada ay wadaan Ra’iisul Wasaare Rooble iyo Midowga Murashaxiinta kuwo u gogol xaaraya jawi ay ku qabsoomi karaan shirar looga wada hadlo qabsoomidda doorasho loo dhan yahay, heshiisna lagu yahay”ayaa lagu yiri War saxaafadeedka

Sidoo kale Puntland waxay caddeynaysay inay markasta diyaar u tahay ka qaybgalka shirarka xalka loogu raadinayo qabsoomidda doorasho heshiis lagu yahay oo ku qotonta heshiiskii 17 September 2020.

Ugu dambeyn Puntland ayaa soo jeedisay in shirarku ka dhacaan Garoonka diyaaradaha Magaalada Muqdisho, waxayna ka filaysaa Xafiiska Qaramada Midowbay iyo AMISOM inay diyaariyaan goobta iyo amniga shirarka. Dowladda Puntland waxay Wakiilada Beesha Caalamka uga mahad celinaysaa dadaalada joogtada ah ee ay la garab taagan yihiin Dowladda iyo Shacabka Soomaaliya.


Posted

in

by

Tags:

Comments

U dhaaf Halcelis

Negelka email-kaaga lama faafin doono. Godadka faralka ah waxaa lagu suntay *

WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com