Puntland oo xabsiga dhigtay fidiyihii wasaaradda Kalluumeysiga ee gobolka Gardafuu

Puntland oo xabsiga dhigtay fidiyihii wasaaradda Kalluumeysiga ee gobolka Gardafuu

Magaalada Bosaso ayaa lagu xiray mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda Kalluumeysiga iyo kheyraadka badda Puntland.

Xubno ka tirsan wasaaradda kalluumeysiga Puntland ayaa xaqiijiyay in Bosaso lagu xiray Isuduwaha wasaaradda kulluumaysiga Puntland ee Gobolka Guardafui Mahad Cali Car-car Daa’uud iyo Agaasime waaxeed ka tirsan isla wasaaradda oo lagu magacaabo Maxamed Cali Beeldaaje.

Warar laga helayo Bosaso ayaa sheegaya in sababta loo xiray mas’uuliyiintan ay tahay, kadib markii lagu eedeeyay arrimo la xiriira musuq-maasuq ay sameeyeen, waxaana markii dambe lagu xiray xabsi ku yaala magaalada Bosaso.

Weli ma jiro wax war ah ah oo laga bixiyay musuq-maasuqa lagu eedeeyay inay sameeyeen isu’duwaha wasaaradda kuluumaysiga Puntland ee Gobolka Guardafui Mahad Cali Carcar Daa’uud iyo Agaasimaha waaxda hormarinta kalluumeysiga.

Agaasimaha waaxeedkan iyo isuduwaha ayaa lagu heystaa in ay sameeyeen waraaqo been abuur ah, kuwaasi oo lacag badan looga qaatay doonyo iyo maraakiib kalluumneysi.

Ilo xog ogaal ah oo wasaaradda ka tirsan, isla maana ka gaabsaday in la xuso magacooda ayaa inooga sheegay in wasaaradda ay heshay cadeemo muujinaya dambiyada loo heysto labada mas’uul.

Agaasime waaxeedka la xiray ee lagu magacaamo Maxamad Cali beeldaaje ayaa waxa ay qaraabo dhow yihiin wasiirka kalluumeysiga Puntland Faarax Maxamuud Beeldaaje.

 

Diiwaanka wararka.

Radio Daljir.

FAALLOOYIN & FALCELIN

WORDPRESS: 0
WP2Social Auto Publish Powered By : XYZScripts.com